Sheekada Jeylani waa la yaab!

Sheekadan Jeylani wey iga yaabisay! Afqalaad aqoontu miyaa? Maya, maya. Inkasytoyna luqad kaligeed aqoon ahayn, haddana waa wax ay dadku isku afgartaan ooy aqoonna ku bartaan. Luqad la’aan (marka laga reebo afkiisa hooyo) ayaa dhib u keentay Jeylani oo dalka Kanada yimid 1986kii, isagoo da’yar.

Ninkan lagu magacaabo Jeylani ayaan muddo aan fogeyn kula kulmay makhaayad shaah. Aniga oo koob shaah ah gacanta ku haysta ayaan kusoo biiray miis uu fadhiyay;waxaanu ka sheekaysanay waayaha waddanka  Kanada iyo magaaladan aan degganahay.  Inkastoon aniguba muddo badan joogay Kanada, hadana waxaan la sii yaabey mudada uu Jeylani wadanka joogay oo tayda kasii badan.

Su’aal kadis ah ayaa markiiba madaxayga kusoo dhacday; waxaana weydiiyey Jeylani: Maxaa kaa soo  maray  Kanada oo kuula yaab badnaa markaad waddanka timid? Isaga oo dhoola cadeynaya, ayuu yidhi “Wax yaabo badan.” Maxaa markiiba madaxaaga kusoo dhacaya? “Ninyohow, muddo ayaan ku nooleyn cuntada bisadaha,” ayuu yidhi Jeylani. Waxaan weydiiyey, “Sidey ku dhacdey inaad cunto raashinka bisadaha?” “Kaligey ma ahayn; dhowr nin anagoo ah ayaan karsanjirney cuntada bisadaha ee gasacadeysan; waxaana kalifey anagoon akhriyi karin, qorinna karin luqad aan af-Soomaali ahayn.”

Sida uu Jeylani ii sheegay, dhowrka nin midkoodna ma aqoon sida cuntada loo kariyo. Sidaas darteed, waxay isku raaceen iney cunaan kalluun(malay) iyo rooti. Cuntada bisadaha ee gasacadeysanna waxay u iibsanayeen iney tahay kalluun gasacadeysan. “Maxaad u akhriye weydeen qoraalka ku qoran gasacadaha,”ayaan weydiiyey. “Ingiriis iyo Faransiis toona maanaan aqoon.” “Mudda badan ayaan quudaneynay hilibkaas bisadaha.” “Waan ku daalney.” Jeylani wuxuu ii sheegay iney gasacaduhu markay ururaan ay haanta qashinka ku ridi jireen. Maalintii danbe ayaa ninka guriga ay deganaayeen masuulka ka ahaa uu arkay gasacado badan oo cuntada bisadaha ooy soo tuureen; wax bisad ahna qolka ay degganyihiin kuma ogeyn. “Qolka ayuu nagu soo garaacey;wuxuuna na weydiiyey waxa aay usoo daadiyaan gasacadaha madhan ee cuntada bisadaha.” “Isaga oo faraha noogu midaaraya, waxna nagu fahacsiinaya ayuu noo sheegay iney waxaase yihiin cuntada bisadaha; kadibna, wuxuu dhamaantayo noo balamiyey dhakaatiir; daawooyin caloosha dhaqana waa naloo qorey.”

Dhib kale oo xagga cuntada ah ayuu  la kulmey Jeylani. Wuxuu iisheegay iney hilib aad ugu baahdeen,laakiin ayna garaneyn si loo gato iyo meel laga gato toona. “Wakhtigaas wax “Halal meat shop” la yidhaa ma jirin.” Mid kamid ah raggii qolka  la deganaa Jeylani ayaa xadhkaha goostay oo suuqa galay,inkastuuna luuqad aqoon. Maalin danbe ayuu  soo noqdey isagoo naag caddaan ah wata. “Waxay noo sheegtay iney maalintaas cunto macaan noo karineyso,”ayuu yidhi Jeylani. Gabadhii caddaanka ahayd suuqa ayey aadey; waxayna soo gadey hilbo badan; waxayna u karisay si aad u macaan. “Dhamaantayo hilbihii ayaan si fiican uga noolaanay.”

Galabtii ayaa wiil kale oo Soomaali ahi na soo booqdey. Wuxuu arkey baakad hilib doofaar ku qoranyahay oo jikada taalla. “War maxaa idiin keenay hilibka doofaarka ayuu na weydiiyey?” “Doofaarkee ayaan ku jawaabney. Intuu qoslay ayuu yidhi “Baakatan hilib doofaar ayaa ku qoran.” “War maanta naag caddaan ah ayaa hilib noo karisay,”ayaan ku jawaabney. “War hilib doofaar ayaad cunteen,” ayuu yidhi. “Kadibna, kala carar iyo inaan iska matajininno ayaan galnay.”

Sheekadan ninka hadda odeyga ah (Wuxuu yimid waddanka isagoo dhallinyaro ah) waxay noo sheegaysaa dhibka ay dadku la kulmaan kolka ay tagaan meelo ayna dhaqankooda iyo luqadooda aqoon.