Qolo maad tahay? Ma aqaanno. Su’aashaas iyo jawaabteeduba waxay soo foodsaari doonaan jiilalka danbe ee Wadadama Galbeedka (North America, Europe, iwm) ku noolaan doona. Soomaalida ku noolaan doonta Wadamada Galbeedku waxay la kulmi doonaan su’aashaas kor ku xusan; jawaabteeduna way ku adkaan doontaa. Abtirsiga Soomaalidu wuxuu ka bilowdaa aabaha; wuxuuna ku dhamaadaa meesha u danbeysa ee qabiilku ku dhamaado. Wuxuuna leeyahay heerar kala duwan: heer qoys, heer jilib(jifo), heer qabiil, iyo heer qabiil guud. Soomaalidu waxay abtirisikeeda ku aroorisaa asal Carbeed. Qabiil kastaa wuxuu sheegtaa inuu Carab galo. Mana xuma hadday xaqiiq tahay, waayo Nabi Maxamed (CSW) ayaa asalkaas ka soo jeeda.
Abtirsigu waa arrin fiican oo ilaaliya nasabka ruuxa iyo meesha uu ka soo jeedo,siiba dhinaca aabaha, kolka laga hadlayo dhaqanka Soomaalida. Wuxuuna taageero mug leh ka haystaa diinta Islaamka. Waxay boorisaa in nasabka dadka la ilaaliyo. Abtirku wuxuu ka jiraa Dunida Muslimka, inkasta oo siyaabo kala duwan loo adeegsado. Soomaalidu waxay ka mid tahay dadyowga sida ugu xeesha dheer u adeegsada abtirsidga. Way isku gartaan, isku taakuleeyaan, iskuna dilaan. Abtirku dhinac togan iyo dhinac tabanba wuu leeyahay.
Abtirsigu qiimo uma yeelan doono jiilalka Soomaaliyeed ee danbe, kuna dhaqmi doona wadamada Galbeedka. Ma garan doonaan abtirkooda iyo qabiilkooda toona. Arrintaasina wayba soo ifbaxday, iyadoyna arrintu weii meel fog gaadhin. Da’yartu macno weyn ma siiyaan qabiilka, barashadiisa, iyo sida loo adeegsado toona. Uma arkaan wax weyn. Ma fahmi karaan wuxuu taro, wakhtina ma geliyaan. Waalidiintood oo weli nool ayaannu qabiilku dhadhan u lahayn. Siday noqon doonaan kuwa ay dhalaan iyo kuwa ay sii dhali doonaan? Ma abtir bay keydsan doonaan? Ma qabiil bay garan doonaan?
Kolka ay waalidiintu hoydaan, ubadkooda iyo kuwa ay sii dhalaan ayaa ku dhaqmi doona wadamada Galbeedka. Adduun kalena way gelayaan. Isku garashadii iyo ku tiirsanaantii qabiilkuna meesha way ka bixi doontaa. Waxaa iman doona jiilal aan aqoon abtirkooda, iyo qabiilkooda toona. Kolka la weydiiyo qabiilkooda, waxay ku jawaabi doonaan “Ma aqaanno”. Halkaas ayayna ku joogsanaayaan abtirsigii iyo aqoontii qabiilkuba.
Jiilalkaasi maxay noqon doonaan? Kuwa ugu fiican waxay noqon doonaan Muslim Madow ah. Islaamka ayay haysan doonaan, madowna way sheegan doonaan. Yaad tahay? Muslim madow ah. Waxayna arrintaasi keeni doontaa in ayna isku garan qabiil, iskuna taakuleyn. Waxaa laga yaabaa in ay diin, midab, iyo dan guud isku raadsadaan, waxna isugu qabtaan.
Daraasadu lagu sameeyey wadamada Reer-Galbeedku waxay sheegeysaa in ay Soomaalidu ku jirto dadka afkooda ugu lumin og markay qurbaha yimaadaan. Af-Soomaaligu wuu lumayaa, qabiilku wuu libdhayaa, diintuna sida ay noqon Alle ayaa og. Saddexdan tiir ayuu ku taaganyahay dhaqanka Soomaalidu. Hadaba, muxuu noqon doonaa dhaqanka jiilalka danbe? Alle ayaa og. Waxay u badantahay in ay magacyadooda danbe (last names) ee Muslimka ah haysan doonaan: Mohamed, Ahmed, Ali, Farah, iyo kuwa kale ee badan. Qolo maad tahay? Ma aqaanno.
