Qabiil ma garan doonaan jiilalka cusub ee Soomaalida Reer-Galbeedka ku noolaan doona

Qolomaad tahay? Ma aqaanno. Su’aashaas iyo jawaabteedaba waxaa la kulmi doona jiilalka Soomaaliyeed ee wadamada Reer-Galbeedka ku dhaqmi doona. Soomaalidu waa mujtamac qabiil ku dhisan oo qabiil kastaa abtirkiisa (Awowyadoodii hore ilaa laga gaadho meesha ay ku dhamaadaan) u yaqaan sida uu quraanka u yaqaan. Markastana da’yarta soo kacaysa ayaa abtiraas la baraa.  Abtirsigu waa arrin fiican oo ilaalisa nasabka ruuxa iyo meesha uu asalkiisu kasoo jeedo,siiba dhinaca aabaha. wuxuu abtirku taageero weyn ka haystaa diinta Islaamka oo arrinta abtirka dhidibada u aastay si ay dadku nasabkooda u gartaan.

Genealogical books

Laakiin jiilalka Soomaaliyeed ee ku noolaan doona dalalka Galbeedka (Canada, America, iyo kuwa kale) ma garan doonaan abtirkooda iyo qabiilkooda toona. Arrintaasina weyba soo ifbaxday wakhtiga la joogo, iyadooy carruur badan oo qurbaha ku nool weli noolyihiin waalidiintood. Markay waalidiintu hoydaan, maxaad fili? Carruurtooda ayaa noqon doona jiilka badeli doona; waxayna yeelan doonaan reero; carruurna way dhali doonaan. Maxaad ka fili carruurtaas jiilka saddexaad ah? Marka la weydiiyo qabiilkooda, waxay ku jawaabi doonaan “Ma aqaanno”. Halkaas ayay ku joogsanaayaan qabiil sheegadka iyo abtirsiin tuba.

Kuwa ugu fiican waxay noqon doonaan kuwa haysta diinta Islaamka oo sheekta iney yihiin Madow-Muslim Canadian ah ( Black Canadian Muslim). Cilmi baadhisyo lagu sameeyey wadamada Reer-Galbeedku waxay sheegayaan iney Soomaali kamid tahay jaaliyadaha ugu lumin og shaqankooda ooy ku jirto luqdda Soomaaligu. Haddii ay jiilaalkaa danbe u baahdaan iney ogaadaan meeshay kasoo jeedaan, waxaa laga yaabaa iney magacyadooda danbe (Last names) oo u badan Maxamed, Maxamuud, Faarax, Cali, Cabdi, iyoJaamac ka raadiyaan buugaagta ama databaseyada lagu kaydiyo asalka dadyowga meeshay ka yimaadeen la hayo. Waxaa jira buugaag waaweyn oo loo yaqaan “genealogical books” (Buugta abtirka laga baadho) oo yaalla makaatiibta waaweyn ee dalalka Galbeedka, kuwaasoo loogu talagalay iney dadku iska baadhaan si’ay u ogaadaan meeshay ka yimaadeen.